soo dhawoow!
waxaan ahay qof aad u xiiseynaya horumarka nafta iyo fahamka maskaxda bani’aadamka. Aniga oo ka soo jeeda Fintech sidookalana ah qof xiiseeya phycology, waxaan go’aansaday inaan baaro sida xalalka dhaqaale iyo caafimaadka nafsigu uga wada shaqeyn karaan dunidan casriga ah ee dhaqaalaha iyo xaaladaha bulsho.
Waxaan aaminsanahay in aqoonta ay tahay furaha isbedelka nafta, waxaana blog-kan kula wadaagi doonaa fikradaha iyo talooyinka ku saabsan maaliyadda shaqsiga, maalgelinta, caafimaadka nafsiga, iyo horumarka nafta. Waxaan isku dayayaa inaan aqristayasheda ka caawiyo sidii ay u fahmi lahaayeen isku xirnaanta ka dhaxeysa dhinacyadaas si ay u gaaraan nolol caafimaad leh oo dhinac walba ka wanaagsan.
Aniga oo raadinaya is-dhexgalka nolosha, waxaan fahamsanahay sida ay muhiimka u tahay in la helo maskax caafimad qabta iyo dhaqaale hagaagsan. Halkan, waxaan ku sahmin doonaa siyaabo cusub oo aad ku korodhsan karto fahamka naftada iyo dhaqaalahaba , ha ahaato inaad heshid xiriir caafimaad leh ama dareen xasilooni xag dhaqaale.
Waxaan kuku martiqaadayaa inaad ila safarto oo aan wadaagno saadaasha iyo fikradaha si aan u noqono kuwo wanaagsan oo hagaajiya bulshada.
Waxaan rajeynayaa inaad halkan ka hesho waxyaabo xiiso leh oo kaa caawin kara inaad sii wadato safarkaaga akhrinta
Fadlan ha ka waaban inaad nala wadaagto fikradahaaga, talooyinkaaga, iyo wixii su’aalo ah ee aad qabto.

Qeybaha Mawduucyada
Halkan waxaad ka heli doontaa qoraallo ku saabsan fintech, caafimaadka maskaxda, cunto karinta, dhiirrigelinta, dhaqaalaha shaqsiga ah, horumarinta nafta, iyo isbeddellada bulshada ee ka dhacaya Soomaaliya.

Fintech Solutions
Baro sida xalalka casriga ah ee fintech (ama teknolojiyadda maaliyadeed) ay kuu fududeyn karaan maaraynta lacagtaada, kaydinta, maalgelinta, iyo weliba xallinta dhibaatooyinka dhaqaale ee yar-yar adigoo aan bangi tagin.

Personal Finance
Maaliyadda shaqsiga ah ma aha oo keliya tirakoob iyo xisaab, waa faham noloshaada ku saleysan. Baro sida aad lacagtaada u qorsheyn karto, deynta uga baxdo, kayd u sameyso, ugana fogaato culayska dhaqaale.

Wellness & Mental Health
Daryeelka maskaxda iyo jirka waa furaha nolol deggan. Waxay kaa caawinayaan inaad la tacaasho cadaadiska nolosha, si caafimaad leh u fikirto, una dareento farxad iyo tamar. Qaybtan waxaad ka heli doontaa talooyin, cilmi-ku-saleysan aragtiyo, iyo dhiirrigelin kugu hoggaaminaysa nolol is-wada leh oo caafimaad qabta.

Food & Beuaty
Qaybtan waxaad ka heli doontaa talooyin is quruxin ah iyo cuntooyin caafimaad leh oo aad kusameysan karto guriga. Waxaan kuugu diyaarinaynaa fikrado fudud oo lagu daryeelo maqaarka iyo cuntooyin nafaqo leh oo aad ku raaxaysan karto, si aad ugu noolaato nolol caafimaad iyo qurux kudheehantahay.

Diinta & Nolosha
Diintu waa iftiin hagaya nolol maalmeedkeena. Qaybtan waxaad ka heli doontaa casharro diini ah, xigmado Islaami ah, iyo sida Qur’aanka iyo Sunnaha loogu dabaqo arrimaha maaliyadda, cilmi-nafsiga, xiriirka iyo horumarinta nafta.

Trending Innovations
Dunidu si degdeg ah ayay isu beddalaysaa , maalin walba waxaa jira teknoolojiyad cusub o soo ifbaxaysa, aragtiyo casri ah, iyo hal-abuur soo jiidanaya bulshada. Qaybtan waxaad ka heli doontaa wararka ugu dambeeya, fikradaha cusub ee soo kordha, iyo sida loo la jaan qaado isbeddelka dunida maanta.
Mission
Hadafkeennu waa in aan dhalinyarada iyo bulshada barno awoodda ay leedahay aqoonta maaliyadeed, si ay u gaaraan mustaqbal dhaqaale oo ifaya, kana qayb qaataan horumar waara iyo nabad bulsheed.
Our Vision
Nestora waxay hiigsaneysaa in ay dhisto jiil Soomaaliyeed oo dhaqaale ahaan madax-bannaan, maskax ahaan fayoow, lehna xirfado nololeed oo ka turjumaya is-xilqaam, adeeg bulsho, iyo hoggaan isbeddel togan. Waxaan aaminsanahay in fahamka maaliyadda uu yahay furaha nolosha wanaagsan, horumarka qofka, iyo koboca qaranka.

Aasaaska Miisaaniyadda:Xeerka 50-30-20
Haddii aad rabto hab sahlan oo aad ku qorsheyn karto kharashaadkaaga, isku day habkaan. Akhris 2-daqiiqo ah Guudmar kooban:[…]

Fahamka Aqoonta Maaliyadeed (Financial Literacy): Waa Maxay, maxaysa tahay Muhiimada ay Bulshada u Leedahay?
Hordhac Inkastoo lacagtu tahay qeyb ka mid ah nolol maalmeedka qof walba, haddana fahamka sida saxda ah ee loola[…]

Earthy Palette-Filling Homes with the Warmth & Comfort
Introduction Earthy Palette-Filling Homes with the Warmth & Comfort have a rare capability of grounding interiors into a warm,[…]