Aasaaska Miisaaniyadda:Xeerka 50-30-20

  • Fahamka habka aad lacagta u isticmaasho waxay kaa caawin kartaa inaad mustaqbalka si fiican u qorsheysato.
  • Qaanuunka 50-30-20 wuxuu kala soocayaa kharashyada baahiyaha, rabitaanka, iyo himilooyinka.
  • Miisaaniyad hagaagsan waxay kuu keeni kartaa kalsooni iyo xasillooni maskaxeed.

Habkani wuxuu u kala qaybiyaa daqligaaga bilaha qaab fudud wuxuuna soo jeedinayaa inaad lacagta kusoo gasha uqeybiso sedax qeybood :

  • 50% baahiyaha asaasiga
  • 30% baahida aan asaasiga ahayn
  • 20% kayd iyo mustaqbal

Haddii aad haysato dakhli yar oo. mushaar bila ah waxaad bilaabi kartaa inaad si tartiib ah ugu dabaqdo nidaamkan. Uma baahnid inaad sugto inta aad lacag badan ka heleysid. Xitaa lacag yar ayaa habkan wax weyn ka beddeli karta mustaqbalkaaga dhaqaale.

Tani waa qeybta ugu muhiimsan ee lacagtaada. “Baahiyaha aasaasiga ah” waxaa loola jeedaa waxyaabaha aan nolosha laga maarmin haddii aadan haysan lahayn daqli , noloshaadu si adag ayey u adkaan lahayd, waxaa ka mid ah:

  • Kirada guriga (hadii aad kiro dagantahy)
  • Cuntada
  • Biyaha iyo korontada
  • Gaadiid aad ku shaqo tagto (lacagta buska ama shidaal hadii aad heysato gaari)
  • Dawooyin iyo caafimaad (hadii uu xanuun jiro)
  • Lacagaha daynta lagu leeyahay

wax walba oo Haddii aad isweydiiso: “Ma noolaan karaa anigoon haysan tan? ayna jawabtaada noqoto “maya” markaas waa baahi aasaasi ah

Baahiyaha aan ahayn Aasaasiga waa waxyaabaha aan lagama maarmaanka u ahayn noloshaada, laakiin aad jeceshahay inaad yeelato si aad nolosha uga hesho raaxo, madadaalo, iyo farxad. Haddii aadan haysan, weli waad noolaan kartaa laakiin noloshaadu wax bay ka lumin kartaa dhanka rayn-raynta.

Waxyaabaha caadiyan ka mid noqda waxaa ka mid ah:

  • Ka qeybgalka aroos ama xaflad
  • Cunto laga cuno makhaayad ama maqaaxi qaali ah.
  • Taleefan cusub oo aad rabto, laakiin kii hore weli shaqaynayo
  • Dharka moodada ah ama kabo qaalisan oo aan lagama maarmaan ahayn
  • kireysida ama gadashada adeegyada madadaalada
  • Safarro dalxiis ama booqashooyin asxaabta iyo qoyska

Haddii aad isweydiiso: “Ma noolaan karaa anigoon haysan tan?
Haddii jawaabtaadu noqoto haa, markaa waxay u badan tahay inuu yahay rabitaan oo kaliya oo aysan ahayn baahi dhab ah inaad uqabtid.

Qeybtani waxaan oran karnaa waa ilaaliyaha mustaqbalkaaga waa lacagta aad iska dhigto si aad u xalliso xaalado lama filaan ah ama aad u gaarto yoolal nololeed mustaqbalka fog.

Waxyaabaha qeybtaan ka mid noqon kara:

  • Kaydka degdega ah (emergency fund): Lacag aad u dhigato si aad iskaga difaacdo waxyaabaha lama filaanka ah sida cudur, shaqo la’aan, ama kharash degdeg ah.
  • Lacag aad u keydiso si aad u bilowdo ganacsi ama aad u iibsato guri mustaqbalka fog.
  • Lacag aad ku bixiso dayn xoog leh ee lagu yeeshay

Waxaa la yiraahdaa: “Lacag aan la keydin waa dadaal aan la ilaalin.” Qeybtan waa aasaaska xorriyadda maaliyadeed ee qofka iyo deganaanshaha maaliyadeed ee mustaqbalka.

Qaanuunka 50-30-20 waa hab fudud oo caqli-gal ah oo lagula tacaalo lacagtaada bil kasta. Waxay kaa caawineysaa inaad:

  • Si cad u kala saarto waxyaabaha muhiimka ah iyo waxyaabaha aan ahayn.
  • Bilaabato keyd iyo qorsheyn mustaqbal adigoo aan sugaynin inaad lacag badan hesho
  • iska ilaaliso kharashyo aan la xakameynin iyo deymo badan
  • Heshid xasillooni maskaxeed iyo kalsooni maaliyadeed

Xasuusnow:
Ma jiro hab kaliya oo qof walba u shaqeynaya, balse qaanuunka 50-30-20 wuxuu yahay bilow wanaagsan oo kaa caawinaya inaad la timaado nidaam iyo edbin dhaqaale.

Marka la eego duruufaha Muqdisho ama guud ahaan Soomaaliya, halkaan waa meel dadka intooda badan mushaarkoodu yar yahay, kirada guryaha qaali tahay, lana tacaalayaan xaalado nololeed adag. Sidaas darteed, habkani wuxuu ku dhiirrigelinayaa dadka inay si miyir leh u isticmaalayaan dhaqaalahooda, isla markaana u qorsheeyaan nolol xasilloon, xitaa haddii dakhligaagu kooban yahay.

CATEGORIES:

Personal Finance

Tags:

No responses yet

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *