Hordhac
Inkastoo lacagtu tahay qeyb ka mid ah nolol maalmeedka qof walba, haddana fahamka sida saxda ah ee loola tacaalo maaliyadda weli waa caqabado heysta dad badan oo ku nool magaalooyinka kobaca dhaqale sameynaya kadib burbur maaliyadeed oo baahsanaa in muddo ah sida Muqdisho. Isbedelka dhaqaalaha, suuqyada aan xasilloonayn, iyo la’aanta nidaam rasmi ah oo waxbarasho dhaqaale ahi waxay sababtay in dad badan aysan fahmin sida loo qorsheeyo, loo kaydiyo, loona maal-gashado dhaqaalahooda. Qormadani waxay ka jawaabeysaa su’aalaha aasaasiga ah: Waa maxay aqoon maaliyadeed(financila literacy)? Maxay muhiim u tahay? Sidee loo gaaraa?

Waa Maxay aqoonta maaliyadda?
Financial literacy waa awoodda uu qofku u leeyahay inuu fahmo, qorsheeyo, islamarkaana si mas’uuliyad leh u maareeyo lacagta soo galaysa noloshiisa. Tani waxay ka dhigan tahay inuu si fiican u fahmo kala-duwanaanta dakhli iyo kharash, awoodna u yeesho inuu sameeyo miisaaniyad (budget), wax keydiyo (saving), si qoto dheer ahna u maareeyo deymaha, isla markaana kafaaideysan karo fursadaha maalgelinta saxda ha (investment) .
Muqdisho: Baahida Dhabta ah ee Aqoonta Maaliyadeed
Muqdisho waa magaalo dib ugu soo kabanaysa burbur dhaqaale, siyaasadeed, iyo mid bulsho oo socday in ka badan labaatan sano. Saamaynta dagaalladii sokeeye iyo xasilooni darrida dhaqaale waxay curyaamisay helitaanka adeegyo maaliyadeed oo lagu kalsoonaan karo ; bangiyo rasmi ah, nidaamyo keyd iyo deyn oo hufan, iyo fursado maalgelin oo dadweynuhu si siman u heli karo.
Dadka ku nool Muqdisho waxay la tacaalayaan duruufo dhaqaale oo adag. Dakhligu ma aha mid joogto ah; suuqa shaqada waa mid aan xasilloonayn, waxaana sii dheer qiime kororka joogtada ah ee badeecooyinka daruuriga ah. Sidaas darteed, qof kasta ha ahaado darawal bajaaj, haweeney suuq ka ganacsata, ama arday dhigta jaamacad wuxuu u baahan yahay aqoon maaliyadeed si uu u helo xasillooni dhaqaale oo shakhsi ah.
Aqoon la’aanta maaliyadeed waxay qofka ka dhigtaa mid aan lahayn jiheyn dhaqaale, taasoo keeni karta in lagu yeesho deyn joogto ah, lacagta oo uu qofka si aan qorshe lahayn u isticmaalo, ama uu waayo fursado la jaanqaadi kara mustaqbalka. Balse, haddii la helo faham ku saabsan miisaaniyadda, keydinta, iyo qorsheynta dhaqaalaha, qofka xitaa dakhligiisu yaryahay wuu maareyn karaa wuxa uuna ku noolaan karaa nolol xasilloon oo deggan.
Haddii Baahida la Buuxiyo Maxaa Dhacaya?
Marka qof walba helo aqoon maaliyadeed oo uu ku fahmi karo, qorsheyn karo, kana faa’iideysan karo dakhliga yar ee uu haysto, waxay horseedaysaa natiijooyin dhowr ah:
- Xasillooni Dhaqaale – Dadka waxay baranayaan inaysan si aan kala sooc lahayn u kharash-gareyn, balse ay u isticmaalaan dhaqaalahooda si xikmad leh, iyagoo kaydsanaya, maalgashanaya, kana fogaanaya deymaha aan muhiimka ahayn.
- degganaansho Maskaxeed – Marka qofku ogyahay in dakhligiisu qorsheysan yahay, kayd uu leeyahay, wax deyn culus ahna aysan dul saarneyn, wuxuu dareemayaa degganaansho maskaxeed. Ma dareemayo cabsi joogto ah ama niyad-jab dhaqaale.
- Iskaashi Bulsho – Dadka marka ay yihiin kuwo dhaqaale ahaan xasiloon, waxay noqdaan kuwo isku kalsoon, waxayna ka qeyb qaataan wanaagga bulshada ha noqoto gacan-siinta qoysaska kale, ganacsi wadaag, ama taageeridda barnaamijyo horumarineed.
- Colaada oo yaraata iyo Nabadda oo Kobcaysa – Xaaladaha adag ee dhaqaale waxay inta badan horseedaan is-fahan la’aan, khilaafyo, iyo mararka qaar rabshado. Marka dhaqaalaha la xasiliyo, khilaafyadana way yaraadaan. Qoysaska, xaafadaha, iyo guud ahaan bulshada waxay helayaan jawi nabdoon .
- Jiil cusub oo leh himilo iyo yididiilo – Carruurta ku korta guryo leh dhaqaale qorsheysan waxay u badan tahay in ay helaan fursado waxbarasho, caafimaad, iyo koboc maskaxeed oo hagaagsan. Tani waxay dhistaa jiil nabad jecel, karti leh, kana fekeraya horumar ballaaran oo bulsho.
Marka baahida aqoonta maaliyadeed la buuxiyo, ma ahan oo kaliya in qofku uu dhaqaale ahaan kobco, balse sidoo kale waxay horseeddaa maskax fayoow, bulsho isfahamsan, iyo waddan nabad ah. Sida George Clason sheegay, horumarka qofku waa tiir ka mid ah horumarka qaran marka qof walba baranayo xasilloonida dhaqaale, si toos ah ayuu uga qeyb qaadanayaa nabadda guud ee bulshada.
Gunaanad
Aqoon maaliyadeedku ma aha kaliya xirfad qofku ku maareeyo lacagtiisa, balse waa tiir ka mid ah nolosha casriga ah ee horseedi karta horumar shakhsi, mid qoys, iyo mid bulsho. Magaalada Muqdisho oo kasoo kabanaysa dhibaatooyin dhaqaale iyo burbur soo jireen ah, waxay si gaar ah ugu baahan tahay in dadkeedu helaan wacyi iyo faham ku saabsan sida loo qorsheeyo noloshooda dhaqaale.
Marka qofku fahmo sida lacagta loogu shaqeysto, loogu kaydiyo, looguna maalgeliyo mustaqbalkiisa, wuxuu helayaa xasillooni dhaqaale, taasoo keenta deganaansho maskaxeed. Marka deganaanshuhu bato, bulshada waxaa ka dhaca is-fahan, iskaashi iyo kalsooni taasoo horseedda nabad waarta oo sal adag ku leh miyir dhaqaale.
Sidaa darteed, horumarinta aqoonta maaliyadeed waa mid kaalin muhiim ah ka qaadaneysa dib u dhiska bulsho xasilloon, degan, kana fog rabshado iyo muran salka ku haya baahida dhaqaale. Waa waajib in la barto, la baro, lana kobciyo si loo dhiso jiil rajo leh, nabad jecel, kana warqaba masuuliyadda dhaqaalahooda iyo tan bulshadoodaba.
No responses yet