Qormadaani waxaan kaka hadli doonaa tijaabo cilmi baaris uu sameeye cilmi baare katirsan Jaamacadda Yale oo la oran jiray Stanley Milgram taasoo uu u sameeye si uu u ogaado:Maxaa dadka caadiga ku kallifa in ay galaan falal ba’an sida xasuuq, jirdil ama xadgudub iyagoo aan ahayn dad dembiilayaal hore u ahaa?
Wuxuu tijaabadiisa ku dhisay markuu arkay in dad badan oo Nazi ah (ciidankii Hitler), gaar ahaan askartii xasuuqa ka qayb qaatay, ay maxkamadda hortooda ku doodeen inay uun amarkii fuliyeen. Hadaba Su’aasha Milgram sidaan bay u bilaabatay: In amarka la raaco miyaa ka culus ama kaweyn damiirka qofka?
Qaabka tijaabada loo fulinaye waxay ahayd mid si maskaxiyan u xoog badan, balse si fudud loo fahmi karo.
- Waxaa la keenay laba qof: mid la doonayo inuu noqdo macallin, mid kalena arday.
- Dhab ahaantii, macallinka wuxuu ahaa qof caadi ah oo aan ogayn in ardaygu yahay jilaa, isla markaana aan dhab ahayn wax koronto ahna aysan Meesha kajirin.
- Macallinka waxaa lagu amray inuu koronto ku dhufto ardayga markasta oo uu si khaldan uga jawaabo su’aalo fudud.
Korontadu waxay ka bilaabanaysay 15 volts ilaa 450 volts. Qalabka uu korontada ku shidayo wuxuu leeyahay calaamado muujinaya heerarka qatarta sida: Moderate Shock, Strong Shock, Danger: Severe Shock, XX.Markii ardaygii jilaaga ahaa uu ku qaylinayo “I can’t take it anymore”, ama uu aamuso si uu u matalo inuu dhintay, cilmi-baaraha wuxuu macallinka ku oranayay:Fadlan sii wad,Tijaabadu waa muhiim,Amar baan kuku siinayaa. Kadib waxa ay dareemaan cabsi, badankood waxay weydiiyeen, “Qofkaas miyuu dhaawacmay?” Balse cilmi-baaraha wuxuu ku jawaabay, “Tijaabadu kama bixi kartid, ee sii wad.”
Dabadeed waxa dhacayin dad badani ay muujiyeen cabsi, murugo, ilmayn, xitaa gariir jidheed, haddana 65% ka mid ah dadkii lagu tijaabiyay waxay gaarsiiyeen koronto dhan 450 volts. Taasi oo kadhigan inay gaarsiiyeen heer dil koronto ah inkastoo ardaygii uusan dhab ahaan wax koronto ah dareemayn. Hadana Macnahaasi waxa weeye in dad caadi ah, rabsho aan lagu aqoon, qoys leh, shaqooyin haysta, oo aan danbi hore loogu aqoon ay fuliyeen falal naxdin leh sababta kaliya ay tahay in qof awood leh amar siiyay.
Tani waxay kadhigantahy in qofku marka uu helo amar toos ah oo ka yimid hay’ad awood leh (sida dowlad, maamul, sarkaal, madax ama hogaamiye), wuxuu dareemayaa inuu masuuliyaddiisa qof ahaaneed ka qaaday awoodaas amarka siiineysa. Tani waxay keentaa inuu qofku raaco wax amar ahaan loo faray, xitaa haddii ay ka hor imaaneyso damiirkiisa, qiyamkiisa, iyo xeerarka uu aaminsanaa. Milgram wuxuu ugu yeeray tan agentic state xaalad uu qofku naftiisa u arko sidii qalab (tool) uun loogu adeegsado hawl amar ah.
Tusaale: Qiyaas wiil shaqo cusub galay, oo madaxdiisu amarto inuu qof shaqo joojin siiyo iyadoo aan sabab cad jirin.
- Inkastoo uu naxariis u hayo qofkaas, wuxuu ku fekeraa: Haddii aan amarka diido, aniga ayaa la i ciqaabi doonaa.”
- Isaga oo weliba la siiyay wax la yiraahdo ma’aha go’aan adiga kugu eg wuxuu u hoggaansamaa amarkaas xun.
Tan waxay si la mid ah uga dhacdaa xabsiyo, askar, iskuulo iyo goobo shaqo oo kale, halkaas oo amarka sare laga hormariyo damiirka.
Tijaabadani waxay muujise khatar bulsho:
- Dambiyada waaweyn ee dunida ka dhaca (sida holocaust, xasuuqa Rwanda, xadgudubyada booliska iwm) aysan u baahan dad xun-xun ee u baahan dad ka aamusay xaqa, dad raaca amar, iyo dad iska indho-tira waxa ay ogyihiin inuu khalad yahay.
- Mar kasta oo bulsho ku dhaqanto, waxaa naloo sheegay inaan sidaa sameyno halkii laga odhan lahaa, Taasi ma saxbaa? .
Waxaan kabaraneyna:
- In qof walba uu leeyahay awood uu ku diido amar xun, balse taas loo baahan yahay tababar damiir iyo garasho.
- In aan ku beerno carruurta iyo dhalinyarada dareen masuuliyad gaar ah si aysan u dhihin waxaan raacay amarka, balse ay isweydiiyaan ma saxbaa waxa la i amray?
- In la ogaado in awoodda iyo nidaamka ay dadka ku riixi karaan khalad, laakiin damiirku uu toosin karo haddii la baro.
No responses yet