Dilaagu Dambigiisa Koowaad Ma Ahayn Dil !

Waxaa laga yaabaa in erayada “kufsi”, “dil”, ama “dembi” marka aad maqasho ay maskaxdaadu si automatic ah uqaadaneeso in ay tahay fal aad u xun oo uu qof sameeyay taasoo uu ku kacay qof si ula kac ah, isagoo si buuxda u go’aansaday inuu waxyeeleeyo bini’aadam kale. Laakiin su’aashu waxay tahay: ma halkaas ayuu sharka ka bilaabmaa? Mise waxaa jirta jid dheer ee geysay falkaas inuu ku kaco ka hor intuusan noqonin dambiile?

Marka la eego aragtiyaha cilmi-nafsiga iyo fahamka bulsho, mid ka mid ah su’aalaha ugu adag ayaa ah: Sidee buu qof wanaagsan unoqodaa mid xun? Waa su’aal ay buugag badan oo cilmiyeed iyo waayo-aragnimo bulsheed ku saleysan ka hadleen si qoto dheer. Waxaa ka mid ah Philip Zimbardo oo buuggiisa The Lucifer Effect ku sheegay in sharka uusan mar walba ka imaanin dad xun, balse uu badanaa ka yimaado dad caadi ah oo galay xaalado, nidaamyo iyo saameyn bulsheed ee xun.

Saddexda Wajiga ee Sharka

Zimbardo wuxuu buuugiisa “The Lucifer Effect” ku sheegya in marka qof dambi galo, aysan sababtu mar walba noqonin inuu yahay qof si dabiici ah u xun. Waxaa jirta saddex aragtiyood oo uu qabo:

  1. Aragtida shakhsiyadda (Dispositional View): aragtidani waxay sheegeysa in qofku yahay mid dabeecad ahaan xun ama dabeecad khatar buu leeyahya sida phycopath ;qof kahela kuna raaxeysta dhibka qofka kale , qof iska jecel inuu wax amro sixun dad kalana inuu gumeysto jecel taasoo loo sababayn kara awood xun oo gudihiisa katimid.
  2. Aragtida xaaladda (Situational View): Waa marka qofka lagu cadaadiyo xaalad gaar ah, sida awood la siiyay, koox uu raacay, ama sababo uu u arko in la aqbali karo ficilka xun.
  3. Aragtida nidaamka (Systemic View): Waa marka nidaamka bulsheed laftiisu uu sharta u sahlan tahay taasoo ka imaan karta cadaalad la’aan, sharciyo aan dhaqan galin, ama dhaqan bulsho oo sharciga ka horreeya.

Mid kasta oo ka mid ah saddexdan heer wuxuu door ku leeyahay sidii qof wanaagsani isugu beddeli karo dambiile. Inta badan, waxay ku bilaabataa xaalad uu qofka u maleeyo inaysan ahayn wax weyn, laakiin tallaabo tallaabo ayuu u sii dhexgalaa heer uu gaaro inuu lumiyo damiirkiisa. Sidaas darteed, dilaagu dambigiisa koowaad ma ahayn dil, wuxuu ahaa inuu ka aamusay marka uu arkay dhibaato, qoslay marka qof la fadeexeeyo, ugu danbeyna uu raacay kooxi danbiga geysate ee kahoreeye.

Sida Aamusnaanta Bulsho U badisaa Dembiga ?

Waa in aynu fahamnaa in bulshadu ay saamayn xooggan ku leedahay dabeecadda shakhsiga. Asch’s Conformity Experiment, Milgram’s Obedience Study, iyo tijaabadii caanka ahayd ee Stanford Prison Experiment dhammaantood waxay muujinayaan sida qof caadi ah ugu leexan karo dembi uu shalay ka cabsan lahaa inuu arko.

Dad badan ayaa maskaxdooda ku leh in dambiiluhu kaliya noqon karo mid ladhashay xumaanta, ama lahaa dabeecad xun , kibir, nacayb, ama nacasnimo. Laakiin dhab ahaantii, mararka qaar dambiilaha wuxuu ahaa qofkaas deriskaaga ah, saaxiibkaas wacnaa markuu kula joogay, ama qarabada kula ahaa ee aad kalsoonida ku qabtay. balse Waxaa ka lumay hal arrin damiir firfircoon iyo nidaam wax toosin kara.tani kama dhigeyso in dambiilaha qiil loogu raadiyo wuu wacnaa laakin wa in cashir laga bartaa si kuwa dhici laha loo baaqsado,ujeedka hadalka waxuu yahay, falal badan oo xun ma ahan go’aan hal mar ah la gaaray. Waa natiijo laga dhaxlay:

  • Waqti dheer oo laga aamusay fal xun oo dhacay,
  • Qosol iyo yareesi danbiga ama la caadiyeeyayba.
  • fal la ogolaaday iyadoo laga baqayo in kaligii la istaago.
  • Ama bulsho caadaysatay in xumaanta la qariyo.

Maxaa Laga Baranayaa?

Qaybtani waxay inoo muujinaysaa in dambigu aanu ahayn wax uu qof keligiis sameeyo, balse uu yahay miraha la beero marka bulshadu aamusto, ceebeyso dhibbanaha, ama ka fogaato sheegidda xaqa.

1. Ervin Staub wuxuu buugiisa “The Roots of Evil “kuleeyahay:Dambiilaha waxa uu ku dhasho bulsho aamusan oo u diidda dhibbanaha helo garab iyo garsoor.Tusaale , Marka qof la dhibaateeyo, bulshadu haday tiraahdo: Aniga iima quseeyo arinkaan ama maxaa iyada/asiga u gaar ahaa? qofkii dhibka waday wuxuu helayaa fariin ah Waa la oggol yahay.Haddii wiil yar uu arko in gabar la fadeexeeyo ama la handado oo cidna aysan ka hadlin, wuxuu la qabsanayaa in dabeecadaas caadi tahay. tani waxaa la yiraahdaa normalization of harm dhibta oo caadi laga dhigo.

2. James Gilligan qoraagani wuxuu noloshiisa u huray inuu fahmo sababta ragg badan u gala rabshado. Wuxuu arkay in:Dadka ugu rabshad badan, gaar ahaan ragga, ay yihiin kuwa carruurnimadoodii lasooceebeeyay halkii lasaxi lahaa qaldkiisa, kunoolaade cabsi , iyo xanuun aan la daweynin.Tusaale ,Wiil yar baa wxuu galay qald inti lasixi lahaa ba la ceebeeyay ama laga dhigay mid aan waligiis dareemi karin jacayl, kalgacayl ama amaan . wiiilkaasi wuxuu ku barbaaraa caaddifad aan go’aynin,Ceebtaas xambaarsana wuxuu ku daweeyaa rabshad, si uu u dareemo inuu jiro.Waxaa tusaale noogu filan qofka aan waligiis la maqashiin waad mudantahay naxariis laakiin la baray xoog iyo cunfi bay kujiri kartaa raganimadaadu.

3.Martha Nussbaum waxay leedahay:Bulsho aan ka hadlin xumaanta, oo ceebta dhibbanaha dul dhigto, waxay sii hurisaa dambiga.Tusaale:Gabar lagu xadgudbay oo la yiraahdo Iyada ayaa is keentay, halkii laga oran lahaa Maxaa loogula kacay danbiga ? xitaa haday qaladaad yaryar kadhaceen xaq uma laheen danbigaas weyn in loo geesto.sidookale Wiil rabshad sameeyay oo la yiraahdo Waa nin dhalinyaro ah, wuu qaldaye ha laga cafiyo, halkii laga oran lahaa Waa in lagala xisaabtamaa si uu u barto mas’uuliyadda.

Gunaanadki,Dambiga maanta dhacay, wuxuu ahaa mid laga baaqsan karay , danbiilaha heerarkaas marka uu maray waa laqaban karay , In xal laga gaaro dambiyada, waa in laga bilaabaa xilliga qofku bilow yahay marka uu wax baranayo, marka uu caqliyeysanayo, iyo marka uu raad raadinayo.

Waa maxay tallaabooyinka muhiimka ah ee ubaahan in lasameeyo?

  1. Billaabidda Toosinta Damiirka:
    • Carruurta bar wax ka qabashada.
    • Bar in hadalka xun, qosolka xadgudubka lagu dhisayo, iyo aamusnaanta ay yihiin noocyo dambi ka sii xun.
  2. Dhisidda Nidaam adag
    • Nidaam sharci oo si siman u shaqeeya, qofka lagu xadgudbo
  3. Kobcinta Isjacaylka iyo Ixtiraamka:
    • in Carruurta la baro in qof walba ha ahaato/do gabar, wiil, qof weyn ama mid yar uu leeyahay xuduud, sharf, iyo rabitaan la dhowro.
  4. Is Qadarin :
    • In dhalinyarada la baro in qofka kale la’aantiis aysan jirin sharaf.
    • Inaan ku korin dareenka ah raganimadu waa xooog ee aan dhahno ninka damiirka leh baa leh karaamada iyo raganimadda.

CATEGORIES:

Uncategorized

Tags:

2 Responses

Leave a Reply to NESTORA Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *